U bood dhigaalka

Muxuu yahay heshiiska dhex maray Soomaaliya iyo Pakistan ee walaaca ku riday Hindiya?

Dowladda Hindiya ayaa si dhow isha ugu haysa heshiiska difaaca ee u dhexeeya Pakistan iyo Sacuudi Carabiya, iyo heshiis kale oo ay Pakistan la gashay Soomaaliya, kaas oo si weyn u soo jiitay indhaha caalamka, islamarkaana walaac ku riday Xukuumadda New Delhi.

Heshiiskan, oo la saxiixay 28-dii Agoosto 2025, ayaa furaya bog cusub oo ku saabsan doonista Pakistan ee saameyn istiraatiiji ah ka dhex sameynaysa Geeska Afrika.

Qodobbada Heshiiskan ayaa waxaa ku jira
Iskaashi difaac oo u dhexeeya Pakistan iyo Soomaaliya, kaas oo soconaya muddo shan sano ah, waxaana hore u ansixiyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Qodobada kale ee  ugu muhiimsan heshiiskan waxaa ka mid ah:

Tababar Ciidan iyo Farsamo: Pakistan ayaa tababari doonta saraakiil Soomaaliyeed oo lagu carbin doono kulliyadaha milatariga iyo kuwa dagaalka ee dalkaas.

Casriyeynta Ciidanka Badda: Islamabad waxay ka caawin doontaa Soomaaliya dhismaha iyo dayactirka cutubyada ciidamada badda, iyo abuurista unugyo cusub oo samayn kara howlgallo ilaalin badeed iyo la-dagaallanka burcad-badeedda.

Taageero Tiknoolojiyadeed: Pakistan waxay ballan qaaday inay gacan ka geysan doonto horumarinta cilmi-baarista difaaca, tiknoolojiyadda, iyo warshadaha militari ee Soomaaliya.

Guddi Wadajir ah (JDCC): Waxaa la sameynayaa guddi wadajir ah oo maamuli doona dhammaan howlaha iskaashiga, kuwaas oo sanadkiiba hal mar kulmi doona si loo qiimeeyo horumarka.

Mas’uuliyiin xog-ogaal ah ayaa sheegay in heshiiskan uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo Pakistan iyo Turkiga ay ku doonayaan in ay saameyn milatari iyo sirdoon ku yeeshaan biyaha istiraatiijiga ah ee xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Hindiya oo ay colaad soo jireen ahi ka dhexayso dalka deriska la ah ee Pakistan, sidoo kale xariir dublumaasiyadeed la leh Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay heshiiskan oo ay u arkayso halis aan la dhayalsan karin, balse lama oga tillaabada ay qaadi doonto new Delhi si ay uga hortagto meel-marka heshiiskaas.

Soomaaliya oo horay ugu milantahay xiisadda Shiinaha iyo Taiwan, khilaafka Suudaan iyo Imaaraadka, iyo xurgufta Itoobiya iyo Masar, ayaa haatanna u muuqata inay lugaha la galayso colaadda aan dhammaan ee Hindiya iyo Pakistan oo ah laba dal oo haysta hubka nukliyeerka.