U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis dhinaca amniga iyo socdaalka ah

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga dalka Uganda, ayaa la saxiixday Wasiirka Amniga Hon. Jim Katugugu Muhwezi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Uganda Maj. Gen. Kahinda Otafiire, heshiis iskaashi oo ku saabsan amniga iyo arrimaha socdaalka.

Heshiiskan, oo la xiriira xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo socdaalka, ayaa qayb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay ku xoojiso iskaashiga amni ee gobolka.

Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Uganda, iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo la filayo in iskaashigan cusub uu wax badan ka tari doono la-dagaallanka dambiyada abaabulan, argagixisada, iyo hagaajinta nidaamka socdaalka ee labada dal.