Albaabada habka Electronic-ga ku furmaya oo dalka ku soo badanaya iyo saamaynta ay ku yeelatay shaqadii waardiyeyaasha

Dalka Soomaaliya ayaa si degdeg ah ugu tallaabsanaya hormarro badan oo dhinaca teknoolojiyadda ah, iyadoo shirkado iyo xarumo ganacsi oo badan ay bilaabeen hirgelinta albaabada electronic-ga ah ee si toos ah u furma ama u xirma marka qofka galaya ama baxaya la aqoonsado.
Habkan casriga ah ayaa meesha ka saaray kaalintii ay waardiyeyaashu ku lahaayeen amniga xarumahaas, gaar ahaan la socodka iyo kantaroolka cidda soo galaysa ama baxaysa.
Waxaa si gaar ah nidaamkan u adeegsaday xarumo ganacsi iyo dhismeyaal deegaan ah oo doonaya in ay yareeyaan kharashaadka ku baxa iyo baahida loo qabo waardiyaasha, waxaana nidaamkan lagu xakameeyaa kaar aqoonsi, faraha, ama kamarado aqoonsada wajiga qofka.
Si kastaba ha ahaatee, isbeddelkan teknoolojiyadeed inkastoo uu abuuray hanaan casri ah oo wax badan fududeeyay, haddana wuxuu horseeday dhibaato dhaqaale iyo mid bulsho, maadaama ay shaqo la’aantu ay horey boqolaal waardiye ugu qasabtay inau nolol-maalmeedkooda ka raadsadaan shaqada ilaalinta.
Dadka waardiyeyaasha ka ah xarumaha ganacsiga iyo guryaha deegaanka ah ayaa u badan aabayaal qoysas badan dan’yar ah ka biila dhaqaalaha ee shaqadooda adag ka soo gala, in adeegsigooda la maarmayo ayaana ah halis dhaqaale oo ay wajahayaan.