U bood dhigaalka

Booliska Galmudug oo gacanta ku soo dhigay rag Loo heysto dil Hooyo iyo Saddexdeeda Carruura

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Galmudug ayaa soo bandhigay saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkii hooyo iyo saddex carruur ah oo dhawaan lagu dilay deegaanka Kadhig ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Galmudug, Col. Khaliif Cabdi Maalin, ayaa sheegay in eedeysanayaasha la soo qabtay kadib baaritaanno dheer oo ay sameeyeen laamaha ammaanka.

Wuxuu intaas ku daray in ragga la soo qabtay ay haatan ku jiraan gacanta booliska, si loo sii wado baaritaanka iyo hannaanka cadaaladda ee sharcigu dhigayo.

Taliska Booliska ayaa dhanka kale ugu baaqay shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo ka caawin karta la dagaallanka dambiyada, si looga hortago falal naxdin leh oo la mid ah kan dhacay.

Falka raggan loo haysto ayaa ah dhacdo naxdin leh oo dadka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga gilgisheen, ayadoo dilka hooyo maskiin ah iyo seddax carruur ah oo saqiiro ah lagu tilmaamay fal bahalnimo ah oo bini’aadantinimada, diinta, iyo dhaqankaba baalmarsan.