U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay baasaboorka dalka u badelayso qaab casri ah oo electronic ah

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay si rasmi ah u bilowday geeddi-socodka soo saarista Baasaboorka Jiilka Saddexaad ee Soomaaliga, kaas oo noqon doona mid elektaroonik ah, laguna farsameynayo qalab casri ah oo u dhigma heerarka amniga iyo tayada ee ay dejisay Hay’adda Duulista Caalamiga ah (ICAO).

Hay’addu waxay sheegtay in daahfurka qandaraaskan caalamiga ah uu yahay tallaabo istaraatiiji ah oo qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ku horumarineyso adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda, iyadoo la adeegsanayo habka bah-wadaagga dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay (Public-Private Partnership – PPP).

Baasaboorka cusub ee la qorsheeyay ayaa lagu tilmaamay inuu leeyahay astaamo amni oo casri ah, oo la jaan-qaadaya heerarka caalamiga ah, kana hortagaya been abuurka iyo isticmaalka sharci-darrada ah ee dukumentigan.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in uu kor u qaadi doono tayada iyo muuqaalkii baasaboorka Soomaaliga, taasoo xoojinaysa kalsoonida caalamiga ah ee lagu qabo baasaboorka Soomaaliya.

Sida ay sheegtay hay’addu, qandaraaska lagu soo saarayo baasaboorkan cusub ayaa lagu fulinayaa si waafaqsan Sharciga Iibsiga Qaranka, taas oo xaqiijinaysa in habka lagu xulayo shirkadda fulinaysa uu noqdo mid hufan oo daahfuran.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sidoo kale sheegtay inay bilaabeyso la-tashiyo ballaaran oo lala yeelanayo bulshada Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaasha kale ee ay khuseyso arrintani.

Baasaboorka Soomaaliya oo beri-samaadkii kamid ahaa kuwa ugu tayada badan dunida ayaa kamid noqday adeegyadii dowligaa ee ay tayadoodu sida weyn u dhaawacantahay xilligii burburka, balse haatan wuxuu ku jiraa hannaan dib u kabasho ah.