Hoos-u-dhac Culus oo Ku Yimid Bitcoin Kadib Go,aankii Trump

Qiimaha lacagta dijitaalka ah ee Bitcoin ayaa maanta si lama filaan ah hoos ugu dhacay, iyadoo hal saac gudahood uu lumiyay in ka badan 8% qiimihiisii, taas oo suuqyada crypto-ga caalamka galisay walaac iyo kacsanaan.
Sida lagu daabacay bogagga CoinDesk iyo Reuters, qiimaha Bitcoin ayaa hadda lagu kala iibsanayaa ku dhowaad $111,369 (Dollar Maraykan ah), isagoo hoos uga dhacay heerkii uu gaaray bishaan oo aheyd $122,000. Waxaa sidoo kale hoos u dhacay lacagaha kale ee waaweyn sida Ethereum.
Khubarada suuqa ayaa sheegaya in hoos u dhaca Bitcoin uu la xiriro cabsi laga qabo xiisadda dhaqaale ee u dhexeysa Mareykanka iyo Shiinaha, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu soo rogi doono canshuur dhan 100% alaabooyinka Shiinaha laga keeno, arrintaas oo sababtay in maalgashadeyaal badan ay suuqa ka baxaan.
โBitcoin hadda wuxuu ku jiraa marxalad cadaadis ah. Dadkii maalgashaday waxay bilaabeen inay suuqa ka baxaan si ay uga fogaadaan khasaaraha, waxaana muuqata in qiimihiisu uu weli sii hoos u socdo ilaa uu gaaro meel hoose.โ Ayuu yiri falanqeeye Sare Jonh Falkn.
Dhanka kale, qaar ka mid ah khubarada ganacsiga dijitaalka ah ayaa aaminsan in hoos u dhaca hadda uu noqon karo fursad.
โMarka suuqa crypto uu hoos u dhaco, waa fursad cusub oo lagu galo. Bitcoin wali waa hantida ugu adag ee dijitaal ah, waxaana la filayaa inuu kor u kaco marka xaaladda siyaasadeed degto.โ
Bangiyada waaweyn sida Citigroup ayaa dhowaan hoos u dhigay saadaasha qiimaha Bitcoin, iyagoo sheegay in uu joogi doono inta u dhexeysa $108,000 iyo $123,000 inta lagu jiro bishan Oktoobar, halka saadaasha Ethereum la kordhiyay ilaa $4,500.
Suuqa crypto-ga ayaa hadda wajahay xaalad murugo leh oo ay sabab u yihiin arrimo siyaasadeed iyo dhaqaale caalami ah..