Maxay tahay sababta uu heesta Soomaaliyeed ee uu adeegsatay Aqalka Cad ee Mareykanku ?

Hees Soomaaliyeed oo la qaaday sanadkii 1988-kii ayaa si lama filaan ah u gashay muuqaal rasmi ah oo uu Aqalka Cad ee Mareykanka ku daabacay bartiisa TikTok, taasoo dhalisay hadal-hayn caalami ah.
Heestan oo ay qaaday fannaanadda caanka aha ee Sahro Abuukar (Sahro Dawo) ayaa ahayd mid ka mid ah heesihii caanka noqday xilligii berisamaadkii, iyadoo markaas ka tirsaneyd kooxdii faneed ee “durdur”, oo caan ku ahayd hal-abuurka iyo suugaanta dhaqan-dhaqaaleed ee Soomaalida.
Inkasta oo Aqalka Cad uusan si rasmi ah u sharraxin sababta heestan loo adeegsaday, haddana xogaha soo baxay ayaa muujinaya in ay arrintu ku timid markii xildhibaanno Dimuquraadi ah ay muuqaalkan ku soo geliyeen bar TikTok si ay u muujiyaan diidmadooda ku aaddan sida maamulka Donald Trump ula dhaqmayay soo-galootiga.
Heesta Sahro Dawo ayaa markaas noqotay mid si lama filaan ah u qaraxday baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, iyadoo dad badan oo caan ahi ay muuqaallo ay ku isticmaaleen heestaas soo duubeen, taas oo keentay in ay si degdeg ah u noqatay mid heer caalami ah.
Xeeldheereyaasha fanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in heesta loo doortay sabab la xiriirta habka masrixiyaddeeda, laxankeeda qotada dheer, iyo codka macaan ee Sahro Dawo, kaas oo leh dareen toos ah oo taabanaya qalbiga dhageystaha, xitaa kuwa aan fahmin afka Soomaaliga.
Sida ay sheegeen, hab-dhismeedka muusigga iyo codka heesta ayaa u sahlay in si fudud loogu isticmaalo muuqaal masraxeed ama mid siyaasadeed, taasoo u keentay sumcad iyo xiiso cusub.
Dhacdadan ayaa noqotay tusaale muuqda oo muujinaya sida fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ay ugu sii fidayaan caalamka, iyadoo heestii Sahro Dawo ay mar kale soo noolaysay xusuustii fanka Soomaaliyeed ee 1980-meeyadii.
Adeegsigeeda Aqalka Cad wuxuu sidoo kale tilmaamay sida muusigga Afrika, gaar ahaan kan Soomaaliyeed, uu awood ugu leeyahay inuu taabto heerarka ugu sarreeya ee siyaasadda iyo bulshada Mareykanka.
Ugu dambayn, heestan oo ahayd curin farshaxan ah oo lagu xardhay dareen, iyo xikmad, ayaa maanta noqotay calaamad muujinaysa sida fanka Soomaaliyeed uu uga gudbay xuduudaha, isla markaana dib ugu soo celisay magaca Sahro Dawo iyo muusigga Soomaalida masraxyada caalamka.