U bood dhigaalka

Xildhibaan Cumar Cali Isaaq oo ku guuleystay kursiga Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Qaranka

Xildhibaan Cumar Cali Isaaq ayaa ku guuleystay in uu noqdo xubin ka tirsan Guddiga Dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka Qaranka, kadib codeyn ay maanta yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray codbixinta, Cumar Cali Isaaq ayaa ka guuleystay Xildhibaan Luul Ibraahim Isaaq, oo la tartamaysay, iyadoo ay codadka u kala heleen sidan:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo u hambalyeeyay xildhibaanka ku guuleystay kursiga guddiga muhiimka ah ee mas’uulka ka ah dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka dalka.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu dardargelinayo dib-u-habeynta dastuurka, si Soomaaliya u yeelato dastuur dhammeystiran oo la ansixiyay, taas oo muddo dheer ay ku socdeen wadatashiyo iyo doodo siyaasadeed.