U bood dhigaalka

Dib u milicso qarixii Soobe iyo musiibadii uu horseeday

Maanta waxay ku beegantay sanad guuradii -8aad ee qaraxii Zoobe, kaas oo maanta oo kale 14-kii October 2017-kii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, islamarkaana kamid ahaa qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa dunida, gaar ahaan afrika ka dhacay.

Qaraxaas oo dhacay xilli galab ah, waddaduna ay mashquul ahayd ayaa loo adeegsaday gaaro TM ah, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, badan 1,000 qof ayaana ku dhimatay halka dhaawacu uu kor u dhaafay 1,300.

Gaariga TM-ka ka hor inta uusan qarxin waxaa uu ka shaqo bilaabay wadada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta si aanan looga shakin,asagoo safarkiisii ugu horreeyey  billaabay 13/09/2017-ka, waxaana  uu qaadi jiray Galleyda, ayadoo uu darawal ka ahaa Xuseen Aadan Maadeey oo naftii “haligihii” qaraxa fuliyay sida  lagu sheegay warbixinta hey’adaha amniga.

Xog-ururin ay sameysay Goobjoog News ayaa lagu ogaaday in wadarta hantidii ku bururtay ay  noqotay $6,306,061.77.
Sida ay warbixin kusoo saareen guddi ay dowladdu saartay December 1, 2017-kii, dad badan ayaa lagu waayay qaraxa, iyada oo waxyeelada aan weli laga soo kaban.


7 sanado kadib, amniga Muqdisho, oo labo dhib ay uga taagnaayeen, kuwaas oo kala ahaa weerarrada Shabaab iyo Cayaal Weerada, balse si arrimahaas wax looga qabto, waxaa la howlgeliyay ciidamo gaar ah.

Amniga caasimadda Muqdisho waxaa guud ahaanba la wareegay April 7, 2023-kii ciidamo gaar ah oo la magac baxay “ Gungaar” oo ah nooca booliis loo tababaray sida milatariga, kuwaas oo shaqadoodu tahay  in ay sugaan amniga Muqdisho, Jaziira ilaa Balcad, ayna ka dhawraan qarax iyo ciyaal weero.
Ciidamadaan ayaa tiro ahaan lagu qiyaasaa 3,000,  waxaa ay ayna ka kooban yihiin labo guuto iyo hal urur, iyaga oo leh labo taliye oo isla shaqeysa.

Sidoo kale dowladdu waxay caasimadda ka hirgelisay kaamirooyinka ammaanka iyo ciidamo dhar cad ah oo meel walba taagan, taas oo ilaa heer meesha ka saartay dilalkii qorshaysnaa ee Muqdisho ka dhici jiray.

Ciidanka ayaa ku baahsan caasimada iyo koonaheeda, waxa ay joogaan 17 saldhig, iyo 100 bar oo amniga laga sugo, arrintan ayaa ugu dambeyn keentay amniga la adkaado cayaal weerada, lagana hortago qaraxyadii si fiicanna gacanta loogu dhigay amniga caasimadda.

Dhanka guud ahaan dalka, si caasimadda u hesho xeyndaab amni oo ballaaran, dibaddana aan looga keenin qaraxyo, iskaashiga ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka, oo taageero ka heysta bulshada ayaa maanta horseeday in Shabaab laga qabsado in ka badan 170 deegaan oo dhaca Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, welina waa uu socdaa gulufka.

Isgoyska Soobe oo haatan laga dhisay taallo lagu xasuustay dhacdadii xanuunka badnayd ee 8 sano ka hor ka dhacday ayaa ah goob lagu xasuusto xasuuqyadii ka dhacay sanadihii 2017 iyo 2022, oo ahaa qaraxyo galaaftay nolosha dad wadartoodu ku dhowdahay 1100 qof, halka waxyeello dhaawac iyo mid dhaqaale oo baaxad lihiba ay ka dhasheen.