U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Qatar kala hadashay inay ka taageerto mashaariicda hormarinta ee dalka ka socda

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Qatar ka codsatay inuu kaalin muuqata ka qaato mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, ayadoo kulamo ka dhacay magaalada Dooxa arrintaas diiradda lagu saaray.

Wasiirka hawlaha guud ee XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Ku-simaha Madaxa Sanduuqa Horumarinta Dowladda Qatar ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii Sanduuqa Horumarinta Qatar uu door muuqda uga qaadan lahaa mashaariicda horumarineed ee la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Intaa kaddib, Wasiirka ayaa shir-doceed gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Dawladaha Hoose ee Jamhuuriyadda Suuriya, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya wasaaradaha labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta magaalooyinka iyo adeegyada bulsho.

Sidoo kale, Wasiir Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Hantida Ma-guurtada ee Dowladda Qatar, iyaga oo isla meel dhigay xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Wasaaradda Hawlaha Guud iyo hay’addaasi, si loo horumariyo hanaanka maaraynta hantida ma-guurtada iyo kobcinta maalgashiga dhismaha dalka.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa booqasho sharaf ku tegay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Qatar, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda. Wasiirka ayaa bogaadiyey dadaalka safaaraddu ku bixiso horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo u adeegidda danaha shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Qatar.