U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo doortay Sagaal Xubnood oo Soomaaliya ku Metelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacowday sagaal xubnood oo siyaasiin, aqoonyahanno iyo diblomaasiyiin ah kuwaas oo matali doona Soomaaliya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA), kadib markii dalku si rasmi ah ugu biiray ururka EAC horraantii sanadkan.

Doorashada iyo ansixinta xubnahan ayaa haatan ka socota xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, halkaas oo Xildhibaannadu kaga doodayaan habka matalaadda iyo nidaamka 4.5 ee lagu qaybsaday kuraasta.

Xubnaha la doortay ayaa kala ah:

Ilhan Ali Gasar

Sahra Ali Hassan

Abdirahman Bashir Shariff

Faisal Abdi Roble

Hussein Hassan Abdi

Ali Abdinur Osmaan

Fahma Ahmed Nur

Abdisalam H. Omar Hadliye

Fadumo Abdullahi Mohamed (Insania)


Xubnahan ayaa lagu saleeyay hab-raac siyaasadeed oo ku dhisan nidaamka awood-qaybsiga Soomaaliyeed, iyada oo si gaar ah loo hubiyay in haweenku ay ka muuqdaan metelaadda.

Shaqada iyo Awoodda Baarlamaanka EAC

Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA) waa hay’ad sharci-dejin ah oo ka tirsan Ururka EAC, waxaana xaruntiisu tahay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

EALA waxay dejisaa sharciyada guud ee dhaqan gala dalalka xubnaha ka ah ururka, waxayna la shaqeysaa madaxda dowladaha si loo mideeyo siyaasadaha dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada, iyo amniga gobolka.

Xubnaha EALA waxay ka shaqeeyaan ansixinta sharciyada iyo heshiisyada ay soo gudbiyaan madaxda EAC, waxayna door muhiim ah ku leeyihiin kormeerka siyaasadaha lagu mideynayo wadamada xubnaha ah.