U bood dhigaalka

Maxay ka dhigantahay in Itoobiya ay hab-maamuuskii ugu si heer sarreeyay ku soo dhoweysay Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro?

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa hab maamuuskii ugu sarreeyay ku soo dhoweysay Madaxweynaha Soomaaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wefdi uu hoggaaminayo oo saacado ka hor gaaray magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Cirro iyo xubnaha wefdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Bole, halkaas oo ay ku qaabileen mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Waxaana si gaar ah indhaha dadka u soo jiitay, salaan sharaf uu Madaxweyne Cirro ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya.

arrin ayaa ah mid naadir ah, maadaama aysan caadi ku ahayn safarrada madaxda Soomaaliland in lagu qaabilo heer maamuus ciidan oo sare ah, waxayna tillaabadani dhalisay hadal-hayn xooggan.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliland ayaa  sidoo kale yimid xilli ay Xukuumadda Soomaaliya bilihii u dambeeyay dadaal badan gelinaysay xoojinta xiriirka iyo saaxiibtinimada ay la leedahay Itoobiya, iyadoo mar kasta ku celcelinaysa in Addis Ababa ay “si buuxda u ixtiraamayso midnimada iyo madax-bannaanida qaranka Soomaaliya.”

Si kastaba ha ahaatee, safarka Madaxweynaha Soomaaliland ayaa kusoo beegmay laba maalmood uun kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu safar aan faahfaahintiisa si cad loo shaacin ku tagey Itoobiya, halkaas oo warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ay sheegeen inuu aqbalay qorshe oggolaanaya in Itoobiya ay gaarto badda Cas, iyadoo aan lagu xadgudbin madax-bannaanida Soomaaliya.

Itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka Carabta  oo dhammaantood xiriir dhow la leh Villa Soomaaliya ayaa si maqaan sare leh u soo dhaweeyeen wefdiga madaxweynaha Soomaaliland, taas oo dhalisay su’aalo adag oo ku saabsan danaha dhabta ah ee saaxiibtinimada dalalkaas haddii aysan ixtiraamayn madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta caalamka iyo kuwa gobolka ayaa si dhow ula socota booqashada Cirro iyo waxa ay ka dhalin karto, iyadoo dad badani u arkaan tillaabo siyaasadeed oo xambaarsan fariin diblumaasiyadeed oo Itoobiya u dirayso Muqdisho xilli xiriirka labada dal uu ku jiro xaalad aan degganayn.