U bood dhigaalka

Taariikh nololeedka Raila Odinga, Halgamaa muddo nus qarni ah ku jiray siyaasadda Kenya

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Amolo Odinga ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya, isagoo da’diisu ahayd 80 sano, dhimashada Raila ayaa timid kadib markii uu muddooyinkii dambe ku jiray xaalad caafimaad oo lagu dabiibayay mid ka mid ah isbitaallada dalkaas.

Geerida Odinga ayaa si weyn looga murugooday gudaha Kenya iyo guud ahaan Bariga Afrika, maadaama ay asaga iyo aabihiisba kamid ahaayeen shaqsiyaadkii ugu saamaynta badan siyaasadda gobolka 50-kii sanoo la soo dhaafay.

Raila Odinga wuxuu 7-dii Janaayo 1945-kii ku dhashay magaalada Maseno ee gobolka Nyanza, isagoo ahaa wiilka labaad ee Jaramogi Oginga Odinga, oo madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee Kenya kaddib xornimadii 1963.

Waxbarashadiisii hore wuxuu ku qaatay dugsiyada St. Mary’s Yala iyo Maranda High School, intaas kaddibna wuxuu waxbarasho sare u aaday Jarmalka, isagoo ka qalin jabiyay jaamacadda Magdeburg oo uu ka bartay injineernimada makaanikada.

Odinga wuxuu siyaasadda si rasmi ah ugu biiray dabayaaqadii 1970-meeyadii, isagoo si xoog leh uga soo horjeestay nidaamkii kaligii-taliska lagu tilmaamay jirey ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Daniel arap Moi.

Sanadkii 1982-kii ayuu si weyn u caan baxay kadib markii lagu eedeeyay inuu taageeray isku day afgambi oo dhicisoobay, taas oo sababtay in lagu xukumo muddo sagaal sano ah, isaga oo aan maxkamad la soo taagin.

Xabsiga dheer kaddib, Raila wuxuu noqday astaanta halganka dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka ee Kenya, asagoo markii dambe noqday Ra’iisul Wasaaraha dalka, sidoo kalena dhawr mar isku sharraxay xilka Madaxweynaha.

Dabayaaqadii 1990-meeyadii iyo bilowgii 2000-meeyadii, wuxuu door weyn ka qaatay dagaalkii loo galay dastuur cusub iyo nidaam siyaasadeed oo furan, wuxuuna noqday Ra’iisul Wasaare ahaa intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2013, kadib doorashadii muranka dhalisay ee 2007-dii oo sababay rabshado dhiig ku daatay.

Inta uu xilka hayay, Raila Odinga wuxuu hormuud u noqday dastuurkii cusub ee Kenya ee 2010, kaas oo dhidibada u taagay nidaam dimoqraadiyadeed casri ah. Inkastoo uu afar jeer isu taagay xilka Madaxweynaha (2007, 2013, 2017 iyo 2022), mar kasta uu ku guuldareystay, hase yeeshee wuxuu kasbaday sumcad qaran iyo taageero ballaaran oo shacabka ah.

Markii dambe waxaa loo magacaabay oo uu hadda ahaa Ergeyga Sare ee Midowga Afrika ee Kaabayaasha Dhaqaalaha, wuxuuna ahaa xil uu si firfircoon u gudanayay illaa uu caafimaadkiisu liitay oo uu ugu dambeyn geeriyooday.