U bood dhigaalka

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta u Baaqday Kooram La’aan

Kalfadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhacay, kadib markii uu u baaqday kooram la’aan, sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan Xoghaynta Golaha.

Kulanka ayaa lagu waday in lagu sii amba-qaado dood ku saabsan hindise sharciyeedyo muhiim ah iyo warbixinno guddiyada qaarkood, balse tirada xildhibaanada soo xaadiray ayaa ku filnayn sharciga ku xusan Dastuurka, taas oo keentay in Guddoomiyaha uu ku dhawaaqo dib-u-dhigista kalfadhiga.

Guddoonka ayaa sheegay in aan la aqbali doonin maqnaashaha Xildhibaanadaan kalfadhiyadda baarlamaanka, islamarkaana laga qaadi doono tilaabo.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in kalfadhiga dib loo qaban doono toddobaadka soo socda, iyadoo la filayo in la hubiyo joogitaanka xubnaha si looga fogaado in mar kale uu fadhigu u baaqdo sababo la xiriira kooram la’aan.