NIRA oo shaacisay waqtiga rasmiga ee lacagta laga dhigayo qaadashada Kaarka

Hay’adda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 31-ka Oktoobar ee sannadkan 2025, qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka ay noqon doonto adeeg lacag lagu bixiyo.
NIRA ayaa sheegtay in muddada ka horreysa 31-ka Oktoobar ay fursad u tahay dhammaan muwaadiniinta aan weli qaadan kaarkooda inay si bilaash ah u dalbadaan, maadaama laga bilaabo taariikhdaas kadib lagu soo rogi doono kharash rasmi ah oo aan weli la shaacin inta uu noqonayo.
Mas’uul ka tirsan hay’adda ayaa sheegay in go’aankan lagu saleeyay kor u qaadista qidmadaha dhaqaale ee hay’adda iyo hubinta in adeegyada la bixiyo uu noqdo kuwo joogto ah oo tayo leh.
Degmooyinka iyo goobaha kale ee kaarka laga qaado ayaa muddooyinkan dambe laga dareemay ciriiri xooggan maadaama dadka Aqoonsiga samaysanayaahi ay safaf dheer dheer ugu jiraan, balse weli dadka gaarka qaatay tiradoodu aad bay u hoosaysaa markii loo eego xisaabta boqollayda ah.
NIRA ayaa hore u sheegtay in in ka badan 3 milyan oo muwaadin weli aanay qaadan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, taas oo la rumeysan yahay inay caqabad ku noqon karto qorshaha cusub haddii aan la sii wacyigelin bulshada.