Pakistan iyo Afghanistan oo kordhiyay waqtigii xabbad-joojintooda, iyadoo wada-hadallo ay labada dhinac uga billowday Qatar

Dowladda Pakistan iyo maamulka Taliban ee Afghanistan ayaa heshiis ku gaaray inay kordhiyaan xabbad-joojintii 48-saac ahayd ee arbacadii ay gaareen, ilaa laga soo gebogabeeyo wada-hadallada socda magaalada Doha ee dalka Qatar, sida ay sheegeen saraakiil ammaanka oo ka tirsan Pakistan iyo ilo ku dhow Taliban.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo aan la magac dhabin, wafdi ka socda dowladda Pakistan ayaa durbaba gaaray magaalada Doha, halka wafdi Afghan ahna la filayo inay halkaas ku biiraan maalinta Sabtida.
Go’aanka kordhinta xabbad-joojinta ayaa yimid saacado un kadib markii weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xadka Afghanistan uu sababay dhimashada toddoba askari oo Pakistani ah iyo dhaawaca 13 kale, taas oo muujinaysa nuglaanta xaaladda colaadeed ee labada dal.
Saraakiisha ammaanka Pakistan ayaa sheegay in maleeshiyaad weerareen xerada milatari ee Waqooyiga Waziristan, iyadoo mid ka mid ah weeraryahannada uu baabuur walxaha qarxa sida ku dhuftay gidaarka xerada, halka laba kale lagu dilay rasaas ay ciidamada fureen, war kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaana lagu sheegay in lix ka mid ah weeraryahannada la dilay.
Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa u sheegay telefishinka Afghan ee Ariana News in dawladda Kabul ay amar ku bixisay in la ilaaliyo xabbad-joojinta inta Pakistan aysan weerar ku qaadin dhul Afghaan ah.
Si kastaba ha ahaatee, saacado kadib markii la shaaciyay kordhinta xabbad-joojinta, afhayeen boolis oo lagu magacaabo Maxamed Ismaaciil Mowiya ayaa sheegay in Pakistan ay duqeyn cirka ah ka fulisay degmooyinka Barmal iyo Urgun ee gobolka Paktika, inkasta oo uusan faahfaahin ka bixin khasaaraha ka dhashay.
Sida uu sheegay Sayed Naseem Sadaat, afhayeenka Guddiga Kubadda Cagta Afghanistan, duqeyntaasi waxaa ku dhintay siddeed ciyaartoy oo maxalli ah oo ku soo laabanayay degmada Urgun kadib kulan ciyaareed.
Xabbad-joojintan ku-meelgaarka ah ayaa timid kadib dagaallo culus oo socday maalmo badan, kuwaas oo sababay dhimashada tiro badan iyo dhaawacyo boqolaal ah oo labada dhinac ah.