Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay in ku dhowaad hal milyan oo codbixiye laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in tirada guud ee codbixiyeyaasha laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir ay gaartay 918,809 qof, taasoo ka dhigaysa gobolka ugu diiwaangelinta badan guud ahaan dalka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in diiwaangelintan ay muujinayso kalsoonida shacabka reer Banaadir ay ku qabaan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalka.
“Waxaan ku faraxsanahay in shacabka ku nool caasimadda iyo degmooyinka hoos yimaada Banaadir ay si buuxda uga qeybqaateen diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taasoo noqonaysa tallaabo weyn oo loo qaaday xagga qabsoomida doorashooyin xor ah oo hufan,” ayay yiri.
Guddigu wuxuu sheegay in tirada guud ee codbixiyeyaasha ee laga diiwaangeliyay guud ahaan dalka ay sii kordhayso toddobaadyada soo socda, maaddaama diiwaangelinta ay weli ka socoto gobollo kale oo dalka ah.
Masuuliyiinta guddiga ayaa xusay in marxaladda xigta ay noqon doonto hubinta xogta, bixinta kaararka codbixinta, iyo diyaarinta goobaha doorashada.