Dhibaato noocee ah ayaa ka dhalan karta kala soocid la’aanta gowraca xoolaha?

Suuqyada hilibka ee dalka iyo goobaha ay munaasabaduhu ka jiraan waxaa mararka lagu arkayaa hilib dhaylo ah oo waliba neefaf dhadig ah sida nirgaha yar yar ee geela, ceesaamaha ariga ee aan gaarin da’dii taranka, iyo aalada lo’da.
Dadka ka ganacsada hilibka ayaa sheegay in culeyska dalabka iyo qiimaha sare ee hilibka ay sabab u tahay in xoolaha da’da yar la gowraco, taas oo khatar ku ah tirada guud iyo sii jiritaanka xoolaha dalka.
Waayadii hore, waxaa la qali jiray xoolaha waaweyn sida awrta iyo geela da’da ah, halka nirgaha iyo xoolaha taranka la ilaalin jiray si ay u dhalaan, hase yeeshee, maanta ma jiro hannaan dowladeed oo kala soocaya xoolaha taranka iyo kuwa la gowraci karo, taas oo xaaladda sii murjisay.
Khabiirrada ku xeel dheer xanaanada xoolaha ayaa soo jeediyay in la dejiyo siyaasad qaran oo lagu nidaaminayo gowraca iyo dhoofinta xoolaha, si loo ilaaliyo taranka iyo dhaqaalaha dalka oo ku tiirsan xoolaha nool.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaana looga fadhiyaa inay qaaddo tallaabo degdeg ah oo lagu ilaalinayo kheyraadka xoolaha, maadaama uu yahay laf-dhabarta dhaqaalaha miyiga iyo il dhaqaale oo muhiim u ah malaayiin Soomaali ah.