U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyey Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), kaas oo Soomaaliya u suurtagelinaya inay si rasmi ah uga mid noqoto suuq ganacsi oo ay ku mideysan yihiin dalalka Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in:

“145 Xildhibaan ay oggolaadeen heshiiska, hal Xildhibaan uu diiday, mana jirin cid ka aamustay.”

Ansixinta heshiiskan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u horseedi karta in ay ka faa’iideyso suuqyada ganacsi ee qaaradda, korna u qaaddo maalgashiga iyo dhoofinta badeecadaha gudaha dalka laga soo saaro.

Faa’iidooyinka Heshiiska

Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) wuxuu u oggolaanayaa dalalka xubnaha ka ah in ay si xor ah u kala ganacsadaan, iyagoo meesha ka saaraya canshuuraha badeecadaha qaar, isla markaana kobcinaya dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo ee ganacsatada.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ka mid noqoshada AfCFTA ay qayb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu doonayo in lagu xoojiyo isku xirka dhaqaalaha Afrika iyo ka mid noqoshada nidaamka ganacsi ee caalamiga ah.