Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari oo Magacaabay Golihiisa Wasiirrada Cusub

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa si rasmi ah u magacaabay Golihiisa Wasiirrada cusub, asagoo faray inay si degdeg ah uga howl-galaan dowlad-dhisidda laamaha maamulka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Wareegto uu soo saaray Xafiiska Madaxweynaha oo lambarkeedu ahaa WQS/XM/022/2025, ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay ku timid iyadoo la raacayo Qodobka 72-aad ee Dastuurka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, isla markaana la tixgeliyay baahiyaha ka jira hay’adaha dowladeed iyo hawlaha horyaalla maamulka cusub.
Golaha cusub ee wasiirrada ayaa ka kooban 21 wasiir, kuwaas oo uu Madaxweynaha u magacaabay shaqsiyaad intooda badan aan ka dhex muuqan maamulkiisii hore ee ku meelgaarka ahaa.
Wasiirrada Cusub ee la magacaabay ayaa kala ah:
- Yuusuf Maxamed Cali – Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka
- Axmed Cali Yakhle – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
- Dr. Aadan Jaamac Muuse – Wasiirka Caafimaadka
- Cabdiriisaaq Faarax Warsame – Wasiirka Amniga
- Cali Dhakaawey Warsame – Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
- Daahir Cabdiriisaaq Axmed – Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
- Ismaaciil Shiikh Saalax – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda
- Siciid Maxamed Cabdiraxmaan – Wasiirka Deegaanka, Duruq joogta iyo Isbeddelka Cimilada
- Jaamac Faarax Muuse – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska
- Maxamed Diiriye Faarax Shariif – Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
Sidoo kale, golaha wasiirrada cusub waxaa ka mid ah wasiirro haween ah oo loo igmaday wasaarado muhiim ah sida:
Saynab Cabdiraxmaan Calawaash – Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.
Madaxweyne Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa sheegay in xubnahan cusub lagu soo in xukuumaddiisu ay diiradda saari doonto xoojinta amniga, horumarinta waxbarashada, caafimaadka, deegaanka, iyo adeegyada bulshada.
“Magacaabistana ayaa ku soo beegmaysa xilli maamulka Waqooyi Bari uu wajahayo Culaysyo dhinacyada siyaasadda iyo amniga ah, ka dib markii Puntland iyo Soomaaliland oo deris la ahi ay iskaashi dhow ka yeesheen arrimo ay ku jirto ka takhalusidda dowlad-goboleedkaas curdunka ahi.