U bood dhigaalka

Shirkadaha diyaaradaha ee deegaannada Soomaaliland ka howlgala oo aqbalay barnaamijka E-visa ee dowladda Soomaaliya

Shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai ayaa si rasmi ah u aqbalay inay ku shaqeeyaan barnaamijka E-Visa ee ay maamusho dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ka dhigan in rakaabka u socdaalaya deegaanada ay Somaliland maamusho ay dalban doonaan fiisaha Soomaaliya ee elektaroonigga ah (E-Visa) halkii ay ka ahaan lahayd nidaam madax-bannaan oo ay Somaliland maamusho.

Go’aankan ayaa dhaliyay falcelin xooggan, gaar ahaan dhinaca mucaaradka Somaliland, oo ku tilmaamay tallaabadan mid wiiqaysa madax-bannaanida iyo maamulka hawada ee ay sheegato Somaliland.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo kamid ah mucaaradka Soomaaliland ayaa si adag uga hadlay arrintan, isaga oo sheegay in ay muujinayso in Somaliland si toos ah hoos ugu dhacday maamulka duulista Soomaaliya.

“Iima muuqato sabab Somaliland u sii lahaato Wasaaradda Duulista Hawada; mar haddii si toos ah la inoo hoos geeyey maamulka Wardhiiglay ee Xamar, madaxweynuhuna wuu arkayaa, balse waxba kama qaban karo,” ayuu yiri Eng. Faysal oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga KAAH ee Soomaaliland Maxamuud ayaa qiray in lagu xujeeyay E-Visa xilli uu ku safrayay baasaboorka Ingiriiska, taas oo uu ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai ay ka codsadeen in dhammaan fiisayaasha lagu dalbado nidaamka E-Visa ee Soomaaliya si loo mideeyo nidaamka socdaalka, maadaama dowladda Soomaaliya ay hadda si buuxda u maamusho hawada dalka oo dhan.

Xukuumadda Somaliland ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin go’aankan, balse ilo-wareedyo ku dhow Wasaaradda Duulista ee Hargeysa ayaa sheegay in ay ku jiraan wadatashi iyo qiimeyn ku saabsan saameynta tallaabadan ku yeelan karto duulimaadyada gudaha iyo xiriirka ay la leeyihiin shirkadahaas caalamiga ah.

Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintan ku tilmaantay “guul weyn” oo muujinaysa in nidaamka socdaalka iyo maamulka hawada dalka uu ku soo noqday gacanta dowladda dhexe, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu mideynayo adeegyada qaranka.