Wasiirka arrimaha dibadda Congo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Safiirka Soomaaliya ee dalalka Tanzania iyo Congo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan,ayaa waxaa nuqul kamid ah waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC Congo ka gudoontay Wasiirka Arimaha dibadda dalkaas, Marwo Thérése Kayikwamba Wagner.
Danjire Ilyas, Iyo Wasiiradda Arimaha dibadda Congo, ayaa kawada hadley xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada Nabada gobolka, fursadaha Ganacsiga, fududeynta Socdaalka iyo in Xabsiyada dalkaas laga sii daayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kuxeran.
Danjire Ilyas, ayaa dowladda DRC Congo, uga mahadceliyey sida ay usoo dhoweeyeen bulshada Soomaalida ah ee halkaas ku nool iyo soo dhoweynta diiran ay usameeyeen isaga iyo wafdigiisa mudada uu halkaas ku joogo socdaalka shaqo.
Ugu danbeyn waxaa kulanka labada dhinac lagu dhiirogaliyey kor u qaadidda maalgashatada, dhinacyada ganacsiga, iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa howlaha fududeynta dal ku galka iyo sharciyada deganaanshaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.