U bood dhigaalka

Goobaha laga qaato kaarka aqoonsiga ah oo mashquul xooggan laga dareemayo

Goobaha rasmiga ah ee laga qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka ayaa laga dareemayaa mashquul iyo cariiri xooggan, xilli ay maalmo yari ka harsanyihiin goortii ay dowladda Soomaaliya sheegtay in adeeggaas laga dhigi doono mid lacag lagu bixiyo, waqtigaas oo ah wixii ka dambeeya 31-ka Oktoobar 2025.

Howl-wadeenno ka tirsan Goobjoog News oo booqday qaar kamid ah xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa soo sheegay in dadweyne aad u fara badan ay safaf dhaadheer ugu jiraan xarumaha kaar bixinta.

Dadka safafka ku jira waxaa ka mid ah waayeello, hooyooyin carruuri wata, iyo dad qaba baahiyo gaar ah, kuwaas oo dhammaantood isku dayaya in ay ka faa’iideystaan muddada lacag la’aanta ah ee ka horreysa waqtiga kama dambaysta ah.

Qaar kamid ah muwaadiniinta la hadlay warbaahinta goobjoog ayaa sheegay in ay ku qaadatay illaa saddex maalmood si ay u helaan fursad lagu diiwaangeliyo magaca si ay u helaan kaarka aqoonsiga, taas oo muujinaysa mashquulka xooggan ee goobaha kaar qaadashada ka jira.

dowladda Soomaaliya ay hore u shaacisay in laga bilaabo dhammaadka bishan adeegyada bulshada oo ay ka mid yihiin safarka, adeegyada bangiyada, xarumaha dowladda, goobaha caafimaadka, iyo kiraynta guryaha lagu xirayo Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Howlwadeennada xarumaha ayaa si maalinle ah u shaqaynaya, hase yeeshee ay jiraan caqabado ay kamid yihiin qalabka diiwaangelinta oo yar iyo tirada dadka oo aad u badan, taas oo sii kordhinaysa cariiriga ka jira helidda adeeggaas.

Inkasta oo dowladdu sheegtay in bixinta kaarka lacag lagu dallaci doono, haddana dadweynaha ayaa u muuqda inay haatan si weyn ugu baraarugayaan muhiimadda kaarka aqoonsiga oo aan dalka horay uga jirin.