Shir nabadeed oo ka socda magaalada Ceerigaabo iyo farriimo siyaasadeed oo halkaas lags jeediyay

Magaaladda Ceerigaabo ayaa maanta martigelisay shir nabadeed oo aad u ballaaran, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta nabadda, wada noolaanshaha bulshada, iyo dejinta xiisadaha muddooyinkii dambe ka soo cusboonaaday deegaanada gobolka Sanaag.
Shirkan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaana ka qeyb-galay wefdi dhaqameed ka socda dhinaca Puntland, oo uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Beelaha Gobolka Sanaag.
Madaxweyne Cirro, oo furitaanka shirka ka hadlay, ayaa sheegay in qabsoomidda kulankan ay kaalin ku lahayd wada-shaqeynta iyo is-fahamka uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo lagu dhiirrigelinayo nabadda iyo deggenaanshaha gobolka.
Madaxweyne Cirro ayaa farriin u diray bulshada ku nool gobollada Waqooyi Bari, isaga oo ku boorriyay inay ku soo biiraan shirka, islamarkaana ay qeyb ka noqdaan dowladnimada Soomaaliland oo uu sheegay in aqoonsigeedu dhowyahay.
Shirkan oo ay sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa isimmo, nabadoonno, aqoonyahanno iyo wakiillo ka kala socda qaybaha bulshada, ayadoo diiradda lagu saarayaa sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafaadka soo noqnoqday ee u dhexeeya bulshada gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo oo marar badan ay ka dhacayeen xiisado la xiriira kala taageeridda maamullada Somaliland iyo Puntland.
Inkasta oo ujeeddo rasmi ah oo shirka lagu sheegay ay tahay nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, haddana falanqeeyayaal siyaasadeed iyo xeeldheereyaal arrimaha gobolka u dhuun-daloola ayaa rumeysan in Somaliland ay kulankan u adeegsaneyso siyaasad ahaan, gaar ahaan kasbashada quluubta dadka deegaanka, oo markii hore taageero u kala janjeerayay labada maamul.