Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirweynaha Baarlamaanka Adduunka ee ka socda Geneva

Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Aduunka oo ka socda Magaaladda Geneva ee wadanka Switzerland ayaa galay maalintii sedaxaad, waxaana Soomaaliya ku metelaya Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shirka maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey ayaa ugu horreyn ka hadlay xaaladda guud ee wadanka gaar ahaan howlaha uu qabtay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan shuruucda la xiriirta arrimaha bulshada, kuwa taageeraya arrimaha bani’aadanimada, barakacyaasha iyo qaxootiga maadaama Soomaaliya qaabishay islamarkaana ay ku noolyihiin qaxooti ka kala yimid wadamo ay ka mid yihiin Yemen iyo Syria oo ay dalalkooda qalalaaso ka jira awgeed uga soo cararay.
Sidoo kale wafdiga Soomaaliya ku metelaya Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Aduunka oo uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa u codeeyey laba mooshin ama soo jeedin oo kala ah Sharciga Dambiyadda Abaabulan ee isaga Gudba Qaruumaha iyo sidoo kale wadanka Madagascar oo keenay soo jeedin lagu taageerayo in xal waara loo helo dhibaatooyinka ka jira wadankaas.
Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Aduunka oo ay barbar socdaan shirar doceedyo ay yeelanayaan wafuuda kala duwan ee shirka ka qeyb galeysa ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gaba gabeeyo, waxaana Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka inta uu halkaasi ku suganyahay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda dhigiisa ah ee shirka ka qeyb galeysa iyo hay’addo caalami ah oo ku sugan xarunta Baarlamaanka Aduunka ee Geneva.