Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo shaaciyay tirada dadka caasimadda ee isku diiwaangeliyay doorashada
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa shaaciyay tirada dadka caasimadda Muqdisho ku nool ee isku diiwaangeliyay kq qeyb-galka doorashada goleyaasha deegaanka ee qorshaysan in la qabto bisha soo socota.
Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariim Axmed, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tirada guud ee codbixiyeyaasha isdiiwaangeliyay ay tahay 923,000 oo ruux, taasoo uu ku tilmaamay guul muhiim ah oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin doorasho qof iyo cod ah.
Cabdikariim ayaa shacabka ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan u diyaar garowga doorashada, isagoo xusay in aysan qasab ahayn in dadka magaaladoo dhami ay doorashada u soo baxaan, wuxuuna tusaale u soo qaatay Soomaaliland oo ay iska diiwaangeliyeen in ka badan 1.2 malyan oo qof, balse ay codeeyeen qiyaastii 600 kun.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhici doonto, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo arko inay dhammaystirayso hannaanka dimuqraadiyadda dalka, balse waxaa arrintaas ku hor gudban caqabado aan la dhayalsan karin oo dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda ah.