Ma Muqdisho ayaa keyn noqatay mise geelii ayaa dab joog noqday ?
Waddooyinka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, oo markii hore la ciir ciirayay lo’da, dameeraha iyo ariga buux dhaafiyay, ayaa haatan u muuqda kuwo isu beddelay goobo lagu dhaqdo geel, meel kasta oo magaalada kamid ah waxaa kaaga hor imaanaya xayn geel ah oo aan cidina wadin, kuwaas jidadka waaweyn iyo xaafadaha magaalada dhex wareegaya.
Geelan oo inta badan lagu calaamadeeyay tirooyin isgaarsiineed (number telefoon ) ayaa la sheegay inay leeyihiin xarumo ka ganacsada caanaha geela, kuwaas oo geela ku soo daaya gudaha magaalada si uu cunto uga raadsadaan ama ku jiridda xerada hawo gedis ahaan looga soo saaro.
Inkastoo arrintani ay bilicda magaalada dhaawacayso, haddana geela qudhiisa ayay ku tahay dayac iyo cuquubo ah, maxaa yeelay ma helayo xannaano iyo daryeel ku filan, waxaana lagu arkayaa isagoo cunaya geed tallaallada ama qashinka lagu tuuro hareeraha waddooyinka.
Sidoo kale geelani wuxuu mararka qaar,halis ugu jiraa shilalka gaadiidka, maadaama ay si lama filaan ah ugu gudbaan waddooyinka mashquulka ah,taas oo sababi karta waxyeello nafeed.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa cabasho ka muujiyay arrintan, iyagoo sheegay in ganacsatada caanaha geela ay mas’uul ka yihiin dhibkan, maadaama ay xoolahooda si xor ah ugu sii daayaan magaalada iyagoo aan hubin daryeelkooda iyo badqabka dadka kale.
Dhinaca kale, waxaa la is weydiinayaa sababta uu maamulka gobolka Banaadir u qaadi waayay tallaabooyin wax looga qabanayo dhaqankaas, iyadoo laga filayo in uu dejiyo siyaasad cad oo lagu xakameynayo xoolaha lagu soo daayo magaalada, islamarkaana lagu waajibinayo masuuliyadda dadka iska leh.
Geela, oo ah xoolaha ugu qaalisan ee Soomaalidu dhaqato, ayaa waayadii hore lagu dhaqan jiray keymo barwaaqo ah iyo dhul daaqsin wanaagsan, haddase, geela ku sugan wadooyinka Muqdisho wuxuu muujinayaa isbeddel ku yimid dhaqankii Soomaalida, iyadoo geela oo ahaa astaan hodannimo iyo sharaf uu hadda u muuqdo “dab joog” la mid ah bisadaha magaalada lagu arko.