Dowladda Soomaaliya oo shaacisay waqtiga ay shaqo billaabayso diyaaraddii Somali airlines
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa shaaca kaqaaday in dhammaadka sannadkan 2025 dib loo howlgelin doono shirkaddii diyaaradeed ee caanka ahayd ee Somali Airlines, taasoo muddo dheer ka maqneyd hawada dalka kadib burburkii dowladdii dhexe ee 1991.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa sheegtay in dib u soo celinta Somali Airlines ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo sumcadda iyo madaxbannaanida duulimaadyada dalka.
Wasiirka Gaadiidka, Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegtay in la soo gabagabeeyay marxaladdii qorsheynta iyo dhismaha qaab-dhismeedka maamulka shirkadda, isla markaana diyaaraddii ugu horreysay ee Somali Airlines lagu wado inay tijaabo sameyso bisha Disembar ee sanadkan.
Shirkadda Somali Airlines ayaa markii ugu horreysay la aas aasay sanadkii 1964, iyadoo xarunteedu ahayd magaalada Muqdisho, waxay caan ku ahayd midabkeeda buluugga iyo caddaanka isugu jira iyo astaanteeda xiddigta cad, taasoo astaan u ahayd qarannimada Soomaaliyeed.
Dib u soo celinta shirkaddan ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ku tilmaamay talaabadan mid soo celinaysa xusuusta iyo sumcaddii Soomaaliya ee dhinaca duulimaadyada.