U bood dhigaalka

Maxay tahay billadda hadal-heynta dhalisay ee la guddoonsiiyay Madaxweynaha Puntland?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu abaalmariyey Billadda Nabadda Adduunka (Nobel Peace Prize), taas oo uu guddoonsiiyay xisbi maxalli ah oo lagu magacaabo xisbiga shaqaalaha.

Billadda Nabadda Adduunka oo uu bixiyo Guddiga Nobel ee dalka Norway, ayaa ah Abaalmarintan oo caalamka ugu qiimaha badan ee lagu maamuuso hoggaamiyeyaasha iyo shaqsiyaadka ka shaqeeya nabadda, ayadoo uu sanadkan waayay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo si weyn u raadiyay.

Munaasabadda guddoonsiinta oo lagu qabtay magaalada Garoowe, ayuu Guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee Puntland, Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane, ka sheegay in Madaxweyne Deni uu ku guulaystay nabadaynta gobolka gaar ahaan Puntland, asagoo tusaale u soo qaatay shirkii Ceerigaabo iyo dagaalka Daacish.

Sanadkan, Billadda Nabadda adduunka waxaa lagu abaalmariyay María Corina Machado, oo ahayd guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Venezuela, taasoo si weyn ugu caan baxday halgankeeda siyaasadeed ee ku saabsan dimuqraadiyadda iyo xuquuqda muwaadiniinta.

Dad badan ayaa baraha bulshada uga falceliyay abaalmarinta Madaxweyne Deni maadaama Billadda Nabadda Adduunka keliya ay bixiyaan Guddiga Nobel ee dalka Norway, balse taageerayaasha Madaxweynaha ayaa ku doodaya inuu mudanyahay Billaddaas markii la eego dadaalka uu geliyay dagaalka Daacish.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abii Axmed ayaa ahaa qofkii ugu dambeeyay la guddoonsiinayay billaddan markii la eego hoggaamiyeyaasha Geeska Afrika, ayadoo lagu abaalmariyay sanadkii 2019, ka dib markii uu furfuray siyaasadda dalkiisa, islamarkaana uu heshiis nabadeed la galay Ereteriya iyo jabhadihii la dagaalamayay dowladda.