ONLF oo Itoobiya ku eedeysay in isku dir qoomiyadeed oo Soomaalida iyo Oromada ah
Gudoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maadey ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha dowladda Itoobiya Abii Axmed in uu bilaabay qorshe lagu xasuuqayo Soomaaliya, isaga oo adeegsanaya ciidamada dowladda oo shaar jabhadeed loo soo galiyay.
Gudoomiyuhu wuxuu farriin u diray shacabka dowlad deegaanka Soomaalida oo uu sheegay in aysan jirin cid difaaceysa maadaama sida uu ku xusay qoraal uu soo saaray ciidamada deegaanku ay qorshahaan qeyb ka yihiin.
“Waxaan shacabka Somaliyeed ee sharafta leh la socodsiinayaa in colaadda laga dhex wado Oromo iyo Somali ay ka dambeeyaan xisbiga PP, iyagoo dhigaya riwaayad ah in OLA ay soo weerartay Dhul Somaliyeed, Ka dibna Liyu Somali ay ka difaaceen iyo Ciidanka dowladda dhexe” ayuu yiri guddoomiye maadey.
“Xaqiiqadu waxa weeye in OLA beenaad uu Abiy soo abaabulay oo Ah ciidankiisa federalka oo iska dhiga OLA ay dhibaateeyeen Shacabka Somaliyeed ee Sittii, Ka dibna isla ciidan dowladii ah oo ka kooban Somali iyo Ciidanka Abiy dhinaca kale laga soo diray oo ay isu muujinayaan in ay Somali difaacayaan” ayuu intaas ku daray.
Wuxuu sheegay inTilaabadaan Abiye Axmed uu ku dhibaateynayo Soomaalida in ay la mid tahay dhagaro horay ay u adeegsadeen dowladihii soo maray Itooiya,
“Waa sidii dowladii hore ee EPRDF ay isugu laysay Somali iyo Oromo iyagoo adeegsanayaa labada liyu ee halka dowlad masruufto” ayuu yiri hadalkiisa.
Abiye Axmed ayuu ku eedeeyay in uu abuurayo naceyb Soomaalida iyo Oromada aysan dib ugu hishiin oo gabi ahaanba labada qoomiyadood ay ku kala guuraan, islamarkaana la sii abuuraya nacayb si aan marnaba iskaashi u dhex marin Somali iyo Oromoda.
Guddoomiye maadey ayaa hadalkiisa ku daray in Khiyaamooyinka Itoobiya ay fahansanyihiin, islamarkaana aysan aqbalayn in Shacabka Somalida iyo Oromada ay isku dirto.
ONLF oo sanado ka hor heshiis nabadeed la gashay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa haatan si kulul u dhaleeceysa tillaabooyinka Itoobiya ay ka waddo dhulka soomaali galbeed.