Madaxweynaha ugu mudda xileedka dheer qaaradda afrika oo markii 7-aad dib loo doortay
Golaha Dastuuriga ah ee dalka Cameroon ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Paul Biya, oo dalka hoggaaminayay tan iyo sanadkii 1982, uu markale ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee qabsootay 12-kii October, taasoo ay hareeyeen rabshado dhimasho sababay.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Dastuuriga ah Clement Atangana, Biya ayaa helay 53.66% codadka la tiriyay, halka musharraxa mucaaradka ah Issa Tchiroma, oo hore u soo noqday wasiir iyo afhayeen dowladeed, uu helay 35.19%.
Tchiroma ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay inuu doorashada ku guuleystay, isaga oo sheegay in natiijooyin uu xisbigiisu soo aruuriyay ay sidaas muujinayaan, balse Biya ayaa beeniyay sheegashadaas, ayadoo intii ay natiijooyinka la sugayay, dalka waxaa gilgilay mudaharaadyo ay mucaaradku ku dalbanayeen natiijooyin daahfuran iyo codbixin xor ah.
Maalintii Axadda ee ka horreysay ku dhawaaqista natiijada, ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay magaalada ugu weyn dalka ee Douala, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka iyo dadka mudaharaadayay.
Kadib markii natiijada la shaaciyay, Tchiroma ayaa sheegay in ciidamo rasaas ku furayeen dad rayid ah oo isugu tagay bannaanka gurigiisa ee magaalada Garoua, isagoo ku eedeeyay dowladda caburin iyo handadaad.
Paul Biya, oo hadda 92 jir ah, ayaa muddo 43 sano ah si adag u hayay talada dalka, isagoo sannadkii 2008 meesha ka saaray xadka muddada xil haynta madaxweynaha, taasoo u suuragelisay inuu marar badan dib loo doorto.
Guusha uu hadda gaaray waxay u ogolaan doontaa inuu sii joogo xilka ilaa uu gaaro da’da ku dhow boqol sano, taasoo ka dhigeysa hoggaamiyaha ugu muddo dheer tala-haynta caalamka.