Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu qiimeeyay shaqooyinka muhiimka ah ee u yaalla wasaaraddan oo door weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa xilkan loo magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, oo ah aqoonyahan khibrad dheer u leh maamulka iyo arrimaha bulshada. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku adkeeyay Wasiirka cusub in uu dardar geliyo adeegyada bulshada, horumarinta shaqo-abuurka, iyo xaqiijinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.
Waxaa xilka laga qaaday Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Yusuf Mohamed,
Xukuumaddu waxay kalsooni buuxda ku qabtaa in Wasiirka cusub uu ka dhabeyn karo himilada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo shaqaalaha dalka.