U bood dhigaalka

25 Sano Kadib: Shirkii Carta iyo Dib U Soo kabashada dowladnimada Soomaaliya

Waxaa lagu wadaa in magaalada Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti lagu qabto munaasabad ballaaran oo lagu xusayo 25 sano guuradii ka soo wareegtay shirkii taariikhiga ahaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu dhisay Jamhuuriyaddii Saddexaad ee Soomaaliya sanadkii 2000.

Shirkii Carta oo uu soo qaban-qaabiyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ahaa mid dib u soo celiyay rajadii dowladnimo ee Soomaaliya oo muddo siddeed sano ah ku jirtay dagaal sokeeye iyo burbur guud.

Madaxweyne Geelle, oo xilka la wareegay 1999-kii, wuxuu ku dhawaaqay inuu doonayo inuu kaalintiisa ka qaato soo celinta nabadda iyo kala dambeynta Soomaaliya, isagoo ka hadlay fadhigii Qaramada Midoobay, kuna ballan-qaaday inuu martigelinayo wada-hadal Soomaaliyeed oo dhab ah.

Sanad ka dib, magaalada Carta ayaa noqotay xarunta rajo iyo dib u heshiisiin, waxaana halkaas isugu yimid kumannaan ergo ah oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, gudaha iyo dibaddaba.

Inkastoo maamuladii Puntland iyo Soomaaliland iyo qaar kamid ah hoggaamiye kooxeedyadii waagaas ay shirkaas ka maqnaayeen, haddana deegaan kasta oo Soomaaliyeed ayaa dadku ka yimaadeen, iyadoo halku-dhegga shirkaas uu noqday oraahdii caan baxday ee “Dalka waan sare joojin karnaa.”

Shirka oo socday  muddo billo ah ayaa lagu dhisay Jamhuuriyaddii Saddexaad ee Soomaaliya, waxaana madaxweyne loo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan, halka ra’iisul wasaare loo magacaabay Professor Cali Khaliif Galayr (AHN).

Dowladdan cusub ayaa noqotay tii ugu horreysay ee Soomaaliya hesho tan iyo burburkii 1991-kii, waxayna bilow u noqotay dadaalladii dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo nidaamka federaalka ee dalka hadda ka jira.

25 sano ka dib shirkii Carta, Soomaaliya waxay maanta haysataa dowlad dhexe oo shaqeysa, maamul goboleedyo rasmi ah iyo nidaam siyaasadeed oo si tartiib tartiib ah u kobcaya, inkastoo ay weli jiraan caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo weli haya xilka madaxweynaha Jabuuti, ayaa qorsheynaya inuu 30-ka bishan qabto munaasabadda lagu xusayo 25-guuradii shirkii Carta ,munaasabaddan oo lagu daahfuri doono taallada nabadda ee Carta ayaana lagu casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada, qaybaha kala duwan ee bulshada, marti sharaf caalami ah iyo xubno ka socda ururka IGAD.

Geelle ayaa loo arkaa hogaamiyihii geesinimada u muujiyay isu keenidda Soomaalida, isagoo abuuray madal lagu dhisay dowladdii dib u soo noolaysay rajadii shacabka Soomaaliyeed, Carta ayaana maanta astaan u ah nabadda, is-afgaradka iyo midnimada Soomaaliyeed, halka 25 sano ka dibna ay weli dadka sii xasuusinayso in dowladnimada Soomaaliya ay ku dhalatay geesinimada iyo dadaalka walaalaha Jabuuti.