U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Miisaaniyadda 2026 iyo Heshiisyada Iskaashiga Soomaaliya la leedahay Uganda iyo Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026 iyo Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo ku saabsan iskaashiga socdaalka, iyo Heshiis Is-afgarad kale oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, kaas oo diiradda saaraya iskaashiga dhanka amniga iyo la-dagaallanka dambiyada.

Intii uu socday kulanka, Wasiirrada ayaa si faahfaahsan uga dhageystay warbixinno la xiriira ammaanka iyo difaaca dalka, iyadoo Golaha Wasiirrada ay si weyn u bogaadiyeen guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka lagu ciribtirayo Shabaab, kuwaas oo weli ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku ammaanay ciidamada geesiyaasha ah dadaalka iyo naftii-hurinta ay u hayaan difaaca qaranka, isaga oo ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan ciidamada si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah ee Shabaab.