Maxay tahay sababta ay madaxda dowlad-goboleedyadu uga qeyb-geli waayeen xuska 25-guurada shirkii Carta ee lagu qabtay Jabuuti
 
		Magaalada carta ee dalka Jabuuti waxaa saacado ka hor qabsoontay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanad-guuradii 25-aad ee shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee Carta, ee dhacay sanadkii 2000-dii.
Shirkan oo ay ka qeyb-galeen madaxda ugu sarreysa Soomaaliya iyo Jabuuti, xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya, madax dhaqameed, ururro bulsho, iyo kooxo faneed ayaa waxaa si weyn looga dareemay maqnaanshaha madaxda dowlad-goboleedyada Soomaaliya, arrintaas oo dhalisay su’aalo iyo falcelin badan oo gudaha iyo dibadda ah.
Ilo xog ogaal ah oo u waramay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in madaxda dowlad-goboleedyada aan lagu casuumin munaasabadda, isla markaana casuumaad rasmi ah loo diray oo keliya madaxda sare ee dowladda federaalka ah, mucaaradka, madax dhaqameedka, ururrada bulshada, kooxaha fanka iyo warbaahinta.
Hab maamuuskan ayaa lamid midkii shirkii hore ee Carta, oo isna lagu xasuusto in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ka gaabsaday inuu ku casuumo madaxda maamulladii xilligaas jiray iyo hoggaamiye kooxeedyadii siyaasadda ku loolamayay.
Shirkii Carta ee la qabtay sanadkii 2000-kii ayaa ahaa mid saldhig u noqday dhismaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee saddexaad, balse waqtigaasba waxaa ka maqnaa madaxda Puntland iyo Soomaaliland oo ka biyo-diiday qaabka loo dhisay shirka.
Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo markaas ahaa madaxweynihii Puntland, ayaa mar uu ka hadlay arrintaas sheegay in Madaxweyne Geelle uu si ula kac ah shirkii Carta uga reebay madaxda maamullada iyo hoggaamiye kooxeedyadii, isagoo tilmaamay in uu doonayay inuu xooga saaro isu keenidda bulshada rayidka ah.
Inkasta oo madaxda dowlad-goboleedyadu aanay si rasmi ah uga hadlin maqnaanshahooda, haddana ilo ku dhow qaar ka mid ah madaxdooda ayaa sheegay in “aanay helin casuumaad rasmi ah oo ka timid dowladda Jabuuti ama dowladda federaalka ah.
Xuska sanad-guuradii 25-aad ee shirkii Carta wuxuu mar kale ummadda Soomaaliyeed xusuusinayaa kaalintii taariikhiga ahayd ee Jabuuti ku lahayd dib-u-heshiisiinta Soomaalida, balse joogista madaxda maamul goboleedyadu waxay sanadihii dambe ahayd astaan