U bood dhigaalka

Masar iyo Ereteriya oo Dhisaya Isbaheysi Cusub ka dib Markii Soomaaliya mowqifkeeda ay Ka Aamin Baxeen

Madaxweynaha dalka Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, iyo dhiggiisa dalka Ereteriya, Isaias Afwerki, ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, xilli ay soo baxayaan isbeddello siyaasadeed iyo amni oo cusub oo ka socda gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Badda Cas.

Kulankan ayaa yimid kadib markii labada dal ay muujiyeen inay dib u qiimeynayaan mowqifkoodii hore ee ku saabsanaa xiriirka saddex-geesoodka ahaa ee iyo iskaashigii ay la lahaayeen Soomaaliya, kaas oo hadda la rumeysan yahay inuu wiiqmay sababo la xiriira

Isku soo dhowaanshaha Muqdisho iyo Addis Ababa.

Madaxweyne Al-Sisi iyo Madaxweyne Afwerki ayaa kulankooda ku xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in ay sii wadaan wada shaqeynta iyo is-afgaradka ku dhisan danaha istiraatiijiga ah ee gobolka, waxayna labada hoggaamiye carrabka ku adkeeyeen in ay ka duulayaan qodobbadii lagu heshiiyay shirkii saddex-geesoodka ahaa ee ay yeesheen Masar, Ereteriya, iyo Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Asmara bishii Oktoobar 2024.

kulankii ugu dambeeyay ee Qaahira ayaa muujiyay isbeddel muuqda oo ku yimid xiriirka saddex-geesoodka ah, iyadoo warar diblomaasiyadeed ay tilmaamayaan in Masar iyo Ereteriya ay dareemeen in Soomaaliya ay ka leexatay mowqifkii hore ee iskaashiga, taasoo dhalisay kalsooni darro siyaasadeed oo sii kordheysa.

Madaxda Masar iyo Ereteriya ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta amniga Badda Cas (Red Sea) iyo ilaalinta badqabka marin-biyoodka muhiimka ah ee caalamiga ah.

Labadan dal ayay colaadi kala dhaxaysaa dowladda Itoobiya oo Ra’iisul wasaare dhowaan uu sheegay in Addis Ababa ay xoogga saarayso inay marin bilood ka hesho biyaha Ereteriya, asagoo sharci darro ku tilmaamay bad la’aantii Itoobiya ku dhacday sanadkii 1993-kii, ka dib markii Ereteriya ay ka go’day.