DFS oo digniin u dirtay shirkadda Flydubai
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa soo saartay warqad rasmi ah oo ay ugu digeyso shirkadda diyaaradaha ee Flydubai, kadib markii la ogaaday in rakaab ka duulayey magaalada Dubai una socday Hargeysa ay safreen iyaga oo aan haysan fiisaha elektarooniga ah (e-Visa) ee khasabka ah ee laga rabo muwaadiniinta iyo dadka ajnabiga ah ee galaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Warqadda, oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan, ayaa lagu sheegay in dhaqankaas uu khilaafsan yahay shuruucda socdaalka iyo duulista Soomaaliya, isla markaana uu halis gelin karo nidaamyada xuduudaha iyo amniga qaranka.
SCAA ayaa farriin cad u dirtay shirkadda Flydubai, iyadoo ku wargelisay in dhammaan rakaabka u safraya Hargeysa ay tahay in ay haystaan oggolaanshaha fiisaha Soomaaliya ka hor inta aysan diyaaradda raacin.
Hay’addu waxay ku adkaysatay in u hoggaansamidda shuruucda socdaalka ee Soomaaliya ay tahay waajib sharci ah iyo muujin ixtiraam loo hayo madax-bannaanida dalka.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay bayaan ay soo saartay SCAA in sii wadidda duulimaadyada rakaab aan haysan fiiso sax ah ay shirkadda Flydubai gelin karto ciqaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin:
Ganaaxyo dhaqaale;
Joojinta duulimaadyada Flydubai ee Hargeysa;
Iyo dib u eegis lagu sameynayo ruqsadaha shirkadda ee duulimaadyada gudaha hawada Soomaaliya.
Soomaaliland ayaa dhankeeda digniin adag u dirtay shirkadaha deegaanadeeda ka howlgala ee u hoggaansama amarka dowladda Federaalka Soomaaliya.