U bood dhigaalka

Imaaraadka oo sheegay in dunidu ay ku fashilantay wax ka qabashada xaaladda Suudaan

La-taliyaha Madaxweynaha Imaaraadka ayaa ku eedeeyay Beesha Caalamka inay ku guuldarreysatay wax ka qabashada xaaladda Suudaan.

DR. Anwar Gargash, ayaa si kulul u dhaliilay beesha caalamka, isagoo sheegay in ay ku guuldarreysatay wax ka qabashada xaaladda bani’aadamnimo ee ka taagan Sudan,gaar ahaan gobolka Daarfuurr, halkaas oo dagaalladii u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa RSF ay sababeen barakac iyo dhimasho baahsan.

Gargash oo ka hadlayay Shirka Ammaanka ee Manama Dialogue ee ka socda caasimadda Bahrain, ayaa tilmaamay in beesha caalamku ay ka gaabisay ka jawaabidda musiibada bani’aadamnimo ee sii kordheysa, isagoo xusay in kumannaan qof ay ku barakaceen, boqolaal kalena ay ku dhinteen dagaallada gudaha Sudan.

“Dunidu way daawanaysaa iyadoo Sudan ku gubaneyso dagaal sokeeye,” ayuu yiri Gargash, isaga oo ku baaqay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo mideysan si loo badbaadiyo shacabka Sudan.

Xaaladda gobolka Daarfuurr ayaa noqotay mid aad u murugsan, iyadoo hay’adaha gargaarka ay sheegeen in dadka rayidka ah ay wajahaan xasuuq, gaajo iyo barakac ballaaran.
Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyaa inuu kaalin weyn ku leeyahay qalalaasaha Suudaan, asagoo taageera fallaagada RSF oo gumaad iyo burburin ka wadda gudah Suudaan.