U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in aysan marnaba aqbalayn in dastuurka KMG ah meesha laga saaro

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in aysan marnaba aqbalayn in meesha laga saaro sharciga iyo qawaaniinta lagu heshiiyay ee Federaalka Soomaaliya, isadoo carrabka ku adkeeyay  in Dastuurka Kumeelgaarka ah uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo jiritaanka dowladnimada iyo midnimada dalka.

Deni oo ka hadlayay shir ku saabsan amniga Puntland oo Garoowe lagu qabtay ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ka digayo in dalka uu galo firaaq sharci ama mid hoggaamineed, taas oo laga yaabo inay keento qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Sidoo kale Deni wuxuu golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysanyihiin Puntland, Jubbaland, iyo mucaaradku ugu baaqay inay kaalintoodq qaataan, asagoo xusay in golahaasi uu badbaadinta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka u taaganyahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada Puntland, Jubbaland, iyo mucaaradka ayaa weli isku mari la’ wax ka badelkii lagu sameeyay 4 cutub oo kamid ah dastuurka KMG ah, balse madaxtooyada ayaa ilaa haatan ku adkaysanaysa in tillabaadaasi ay ahayd mid sharciga waafaqsan.