Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Barafasoor Ciise Maxamed Siyaad
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Barafasoor Ciise Maxamed Siyaad, oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Wasiiru-dowlaha madaxtooyada qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed ( Abshir Bukhaari) oo kamid ah masuuliyiinta ka hadlay geerida barafasoorka ayaa sheegay in Marxuumka lagu xusuusan doono kaalintii uu ku lahaa horumarinta af Soomaaliga iyo cilmibaarista la xiriirta suugaanta, naxwaha, iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.
Barafasoor Ciise Maxamed Siyaad, oo dhashay horraantii 1940-meeyadii, wuxuu ahaa ruugcaddaa aqooneed oo noloshiisa u huray ilaalinta, faafinta iyo cilmiyaynta af Soomaaliga.
Wuxuu ka mid ahaa hormuudkii dhidibada u taagay cilmibaarista afka hooyo, isla markaana door muuqda ka qaatay baridda iyo qorista buugaagtii asaasiga u ahayd cilmi-afeedka Soomaaliyeed.
Waxaa ka mid ah wax-soo saarkiisa aqooneed buugga “Eraybixinta Cilmi-afeedka Af Soomaaliga”, oo uu qoray sanadihii 1980-meeyadii, kaas oo weli ah halbeeg muhiim ah oo lagu tiirsado. Sidoo kale, wuxuu ka mid ahaa khubaradii hormuudka ka ahayd Mashruucii Daraasaadka Soomaalida (Studio Somalo), oo iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ka dhashay Qaamuuska Af Soomaali–Talyaani oo uu marxuumku door weyn ku lahaa.
Barafasoor Ciise waxaa si gaar ah loogu xusuusan doonaa daacadnimadiisii, aqoontiisii iyo dedaalkiisii joogtada ahaa ee uu ku dhiirrigelin jiray jiilka cusub ee Soomaaliyeed, isaga oo waxbarid iyo cilmi-baaris u hibeeyay waqtigiisa intii uu noolaa.
Mas’uuliyiinta dowladda oo tacsi diray ayaa Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo marxuumka, qoyska, ehelada iyo guud ahaan bahda aqoonyahannada Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.