Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo faray Hay’adda NIRA in ay fududeyso helitaanka Kaarka Aqoonsiga Qaranka
		Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey fahamka iyo taageerada ay siiyeen barnaamijka Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isagoo tilmaamay in aqoonsigani uu muhiim u yahay dhammaan adeegyada dowladeed iyo kuwa bulshada.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Kaarka Aqoonsiga Qaranku uu yahay albaabka laga galo adeegyada casriga ah ee ay dowladdu qorshaynayso in lagu hormariyo nolosha muwaadinka Soomaaliyeed, sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo ganacsiga.
Isagoo ka hadlayay cabashooyinka shacabka ee la xiriira safafka dhaadheer iyo waqtiga dheer ee lagu sugo helitaanka kaarka, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si cad ugu amray Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) in ay qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu fududeynayo bixinta kaarka.
“Shacabka Soomaaliyeed waa ku mahadsanyihiin sida ay u fahmeen waxtarka Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Hay’adda NIRA waxaan farayaa in ay u fududeeyaan shacabka helidda kaarka aqoonsiga. Ama xarumaha hala kordhiyo, ama waqtiga shaqada 24 saac hala dhigo waa in aysan hooyooyin dambe meesha noo seex seexan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay ka go’an tahay in muwaadin kasta uu si fudud ku helo aqoonsigiisa qaranka, si loo dardar geliyo nidaamka dowladnimo iyo isku xirka adeegyada kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku baaqay in dhammaan hay’adaha dowladda ay garab istaagaan dadaallada NIRA, si loo xaqiijiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo casri ah oo degdeg ah, loona dhiso kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda.