U bood dhigaalka

weerar burcad badeednimo oo ka dhacay meel ku dhow xeebta Muqdisho

Sida ay warbaahinta dunidu qorayso falalka burcad-badeednimo ayaa saacado ka hor ka dhacay Badda Soomaaliya, kaddib markii afar qof oo aan la aqoon ay isku dayeen in ay markab ganacsi ku weeraraan meel 332 mayl (534 kiiloomitir) u jirta, dhinaca barina ka xigta magaalada Muqdisho.

Weerarka oo dhacay subaxnimadii Isniinta maanta ah, ayaa lagu sheegay inuu ahaa isku day lagu doonayey in lagu afduubo markabka, balse fashilmay kaddib markii shaqaalaha markabka ay rideen rasaas digniin ah oo ku khasabtay burcad-badeedda inay dib ugu noqdaan doontoodii ay wateen.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hay’adda ganacsiga badda Ingiriiska ee (UKMTO), weerarkaasi ayaa dhacay wax ka yar toddobaad kadib markii hay’adaha ammaanka badaha ay sare u qaadeen heerka digniinta burcad-badeednimada ee gobolka, kaddib markii dhow doon ganacsi lagu afduubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan howlgalka EUNAVFOR, oo ilaalinaya badaha u dhow Geeska Afrika, ayaa sheegay inay kordhiyeen dhaq-dhaqaaqyada kormeerka badda si looga hortago weerarro kale oo noocan oo kale ah, maadaama ay jiraan calaamado muujinaya in kooxo burcad-badeed Soomaali ah ay dib u abaabulayaan hawlahoodii.

Falkan ayaa  dunida si weyn u xusuusinaya khatarihii burcad-badeedda Soomaaliya ee sanadihii hore, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay ganacsiga badda caalamka, inkasta oo dadaallo caalami ah ay si weyn u yareeyeen weerarradaas tan iyo 2017-kii.