Dagaal beeleedyada Galmudug oo gaaray heerkii ugu xumaa oo la beegsado Hooyooyinka iyo Caruurta
Deegaanada dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan gobolka Galgaduud wuxuu bilihii danbe isku bedeshay Goob colaadeed, asagoo la daalaa-dhacaya dagaal beeleedyo oo soo noq noqday oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Colaadahaas waxay inta badan salka ku haya murano ku saabsan dhul daaqsimeed iyo aargoosi dakanooyin hore , saameynta ugu xunna waxay ku yeesheen dadka ay Soomaalidu bir- mageydada u taqaanno, gaar ahaan Hooyooyinka iyo Caruurta.
In kasta oo dagaalada qabillku wax soo jireen ah ay ka ahaayeen Galmudug, haddana waxaa soo kordhay ficil aad u foolxun oo ugub ku ahaa xeerarka dagaalka, waana laynta dumarka iyo carruurta.
Bishii tagtay ee Oktoober waxaa hal goob lagu dilay Hooyo Soomaaliyeed iyo saddex gabdhood oo ay dhashay , dhacdadaasina waxay ka dhacday deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.
In kasta oo ragii Falkaas ka dambeeyay la soo qabtay, hadana tani waxay dhalisay fajac iyo layaab, waxaana ay banaanka keentay sida colaadaha Galmudug ka jira ay u saameeyeen dadka aan waxaba galabsan ee haataan bartilmaameedka noqday.
isla Oktobar Saddex eedeysane oo loo soo qabta kiiskaas ayaa ka soo muuqday Maxkmadda Gobolka Galgaduud, ayadoo ku xukuntay xabsi 5 sanadood ah.
Dad badani waxay filayeen in xaajadu halkaas ku ekaan doonto maadaama eedeysanayaasha gacanta lagu hayo, balse 1-dii bishaan November koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday guri ku yaalla deegaanka Guudoole ee gobolka Galgaduud.
Weerarkaan oo dhacay habeenimadii Sabtiga waxaa lagu dilay AUN Hooyo Aamino jimcaale oo da’aada 60-dameeya ku jirtay, waxaana lagu dhaawacay wiil ay dhashay.
Dilkaan ayaa ahaa mid daba socday dilkii hore ee hooyo Sahro Artan iyo sadaxda gabdhood oo horay loo layay, waxaana uu ahaa aargoosi.
Kadib howlgal ay fuliyeen Laamaha amaanka Galmudug waxaa gacanta lagu soo dhigay lix nin oo lagu eedeeyay inay falka geysteen.
Sidoo kale Galmudug, agaar ahaan Woqooyiga gobolka Galgaduud waxaa dhow jeer ka dhacay Af-duub loo geystay haween iyo caruur sababo aano qabiil la xariira.
Dhamaan dhacdooyinkaas waxay muujinayaan in laga tallaabay xeerarkii aan cidina qorin ee dagaalka qabaa’illada Soomaaliya oo ceeb ka dhigayay in xilliyada Colaada la beegsado Hooyooyinka iyo Caruurta.
Si kastaba ha ahaatee gumaadka iyo beegsiga dumarka iyo carruurta yar yar ayaa ah musiibo bini’aadantinimo oo aan horay uga dhici jirin dhulka soomaalida, waana astaan muujinaysa sida dagaal beeleedyadu ay u sii xumaanayaan.