Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo cambaaraysay dilka Haweenka iyo carruurta lagu hayo
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falka naxdinta leh ee arxan darrada ah ee lagula kacay gabar yar oo lagu magacaabo Samiira Cabdikariim Maxamuud, oo 11 jir ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Xingalool ee hoos yimaada gobolka Sanaag, taariikhdu markay ahayd 30-kii Oktoobar 2025.
Falkaas foosha xun ayay Wasaaraddu ku tilmaamtay mid ka dhan ah bani’aadanimada iyo xaqa carruurta ee ay leeyihiin inay ku noolaadaan jawi nabad iyo xorriyad leh, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in falalka noocan ahi ay yihiin kuwo u baahan in si adag looga hortago, ayna tahay waajib diini ah iyo mid sharci in carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed laga difaaco tacaddiyada noocaas ah.
Wasaaradda ayaa u mahadcelisay maamulka iyo ciidanka booliska Puntland, kuwaas oo qaaday tallaabo degdeg ah oo lagu soo qabtay eedeysanayaasha la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falkaas.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ku baaqday in cadaaladda la marsiiyo dadkaas, si loo xaqiijiyo in dambiyada noocan ahi aysan soo noqon mustaqbalka.
Dhanka kale, Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa si adag u cambaareysay falal kale oo xadgudubyo ah oo lagula kacay hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo dhowaan ka dhacay deegaano ka tirsan Galmudug iyo Bartamaha dalka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in falalkaasi yihiin kuwa lid ku ah diinta Islaamka, dhaqanka suuban iyo xuquuqda aadanaha.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan culimaa’udiinta, odayaasha dhaqanka, hay’adaha bulshada iyo warbaahinta, inay kaalin muuqata ka qaataan wacyi-gelinta bulshada, loogana hortago falalka xadgudubyada ah ee haweenka iyo carruurta lagu hayo.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay ugu baaqday hay’adaha garsoorka iyo kuwa amniga in ay si degdeg ah u qaadaan tallaabo sharci ah oo adag si loo ciqaabo dadka geysta dambiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, iyadoo carrabka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda dadka nugul.