7 qof oo Talyaani ah oo lagu la’yahay buuraha Himalaya ee Nepal, kadib baraf xoogan iyo dhulgariir uu ku dhiftay aaggaas
Mas’uuliyiinta dalka Nepal ayaa sheegay in toddob qof oo buur-fuulayaal dalka Talyaaniga u dhashay ah lagu la’yahay buuraleyda Himalaya, kadib markii baraf xooggan iyo daadad ay ku rogmadeen aaggaas, kuwaas oo ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen.
Wararka ayaa sheegaya in saddex Talyaani ah oo dadka buuraha fuula ahi ay ka mid ahaayeen shaqsiyaad shisheeye oo shan ahaa, iyo laba hagayaal Nepali ah, kuwaas oo la xaqiijiyay inay ku dhinteen Isniintii markii baraf aad u xooggan uu ku dhuftay saldhig fuulayaal oo ku yaalla meel u dhow buurta Yalung Ri ee gobolka Himalaya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga ayaa Arbacadii sheegtay in ay weli maqan yihiin toddoba muwaadin Talyaani ah, oo lagu soo waramay in lala xiriiri waayay tan iyo maalintii shilku dhacay.
“Dhacdooyinka barafka iyo roobabka culus ayaa saameeyay qeybo badan oo ka mid ah Himalaya, taas oo adkaysay howlaha gurmadka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda.
Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Dalxiiska ee Nepal, oo lagu magacaabo Himal Gautam, ayaa sheegay in aysan jirin xog rasmi ah oo ku saabsan xaaladda toddobada qof ee maqan, balse kooxo badbaadin ahi ay sii wadaan dadaallada raadinta, iyadoo ay adag tahay isgaarsiinta iyo helitaanka meelaha ay musiibadu ka dhacday.
Wargeyska The Himalayan Times ee dalka Nepal ayaa sheegay in maydadka fuulayaal Talyaani iyo Faransiis ah laga helay goobtii uu barafka ku dhuftay, koox 12 qof ah ayaana la xaqiijiyay inay ku sugneyd saldhigga buurta Yalung Ri.