Maxay Soomaali badani u taageereen Jacob Frey, xilli wiil Soomaaliyeed uu tartanka kula jiray ?
Magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, ee dalka Mareykanka Waxaa dhawaan lagu soo gabagabeeyay doorashadii duqa magaalada, taas oo markii saddexaad uu ku guuleystay duqa haatan xilka haya Jacob Frey, oo ah siyaasi cadaan ah oo muddo dheer hoggaaminayay magaalada.
Natiijada doorashadan ayaa dhalisay dood iyo falcelin xooggan, gaar ahaan bulshada Soomaalida, kadib markii Soomaali badani ay u codeeyeen Frey, xilli uu tartanka ku jiray Omar Fateh, oo ah siyaasi dhalinyaro ah oo Soomaali ah.
Arrintan ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada, iyadoo qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ay su’aal gelinayaan sababta ay Soomaali badani uga doorbideen nin ajnabi ah musharrax Soomaaliga ah.
Dadka qaar ayaa arrinka ku fasiray qabyaalad iyo is-diido qabiil oo weli raad ku leh bulshada Soomaalida, halka kuwo taageeray Jacob Frey ay ku doodayaan in go’aankoodu ku saleysanyahay waxqabad, daahfurnaan iyo khibrad uu Jacob Frey muujiyay intii uu xilka hayay.
Soomaalida taageertay Frey waxay sheegayaan in duqa magaalada uu door weyn ka qaatay horumarinta adeegyada bulshada, shaqo-abuurka, iyo xoojinta xiriirka ay la leeyihiin bulshada Muslimiinta iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay.
“Ma ahayn arrin qabiil ama asal, waa cod daacad ah oo ku dhisan waxa uu ninkaasi qabtay, iyo oraahyo lamid ah” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ololihiisa taageeray.
Dhanka kale, taageerayaasha Omar Fateh oo horey uga tirsanaa Senate-ka Minnesota ayaa ku doodaya in bulshada Soomaaliyeed ay fursad dahabi ah khasaariyeen, taas oo ahayd in ay kursiga ugu sarreeya magaalada u doortaan qof soomaali ah oo iyaga metela, isla markaana fahmaya duruufahooda iyo rabitaankooda.
Doorashadan ayaa muujisay kala qeybsanaan siyaasadeed oo ka dhex jirta bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka, kuwaas oo hadda si xooggan uga qayb qaata doorashooyinka gudaha, innkasta oo Frey guuleystay, hadana tartanka uu la galay musharrax Soomaaliga ah ee Omar Fateh ayaa loo arkaa calaamad muujineysa heerka ay gaartay ka-qaybgalka siyaasadeed ee Soomaalida Minnesota.
Si kastaba, natiijada doorashada Minneapolis waxay dhalisay su’aasha ah: Soomaalidu ma aragti siyaasadeed ayay ku kala taageereen Omar Fateh iyo Jacob Frey, mise weli waxaa hagaya dareen qabiil iyo is-diiddooyin bulsho?.