U bood dhigaalka

Falalka burcad-badeednimada oo ku badanaya xeebaha Soomaaliya

Falalka burcad-badeednimada ayaa mar kale kusoo laba-kacleeyay xeebaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga ah ee Badweynta Hindiya, iyadoo maalimii la soo dhaafay weerarro isdaba-joog ah lagu qaaday maraakiib ganacsi oo maraya badweynta Hindiya iyo xeebaha Soomaaliya.

Khamiistii, burcad-badeed hubeysan ayaa weerar ku qaaday markab shidaal sida oo calanka Malta watay, kaas oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite, xilli uu safar ganacsi ku marayey xeebaha Soomaaliya, isagoo ka yimid Hindiya kuna sii jeeday Koonfur Afrika.
Markabka waxaa lagu weeraray doon yar oo ay saarnaayeen koox burcad-badeed ah, kuwaas oo rasaas iyo gantaal RPG ah ku furay, sida ay xaqiijiyeen hay’adaha ammaanka badda ee caalamiga ah.

Dadka saaran markabka waxaa ka mid ah 24 shaqaale ah oo kala ah muwaadiniin u dhashay Giriig, Filibiin iyo Montenegro.

Sidoo kale todobaadkii hore, koox burcad-badeed ah ayaa la sheegay in ay qabsadeen doon kalluumeysi oo Iran leedahay, taas oo la rumeysan yahay in loo adeegsanayo sidi loogu fulin lahaa weerarro kale oo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga.

Dhinaca kale isla todobaadkii hore hay’adda ganacsiga badda ee Ingiriiska ayaa sheegtay in markabka ay leeyihiin lagu weeraray biyaha u dhow xeebta magaalada Muqdisho, inkastoo la sheegay in weerarkaasi uu fashilmay.

Dhacdadii ugu dambeysay ee afduub rasmiya ah ayaa dhacday bishii Diseembar ee sanadkii 2023-kii, markaas oo markabka Ruen ee calanka Malta watay lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya, balse ciidanka badda Hindiya ayaa markabka dib u soo furay, burcaddii oo noolna gacanta ku dhigay.

Khatarahan sii kordhaya ee burcad-badeedda ayaa walaac xooggan ku abuuray shirkadaha gaadiidka badda ee isticmaala marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, kuwaas oo muhiim u ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka iyo badeecooyinka muhiimka ah.