U bood dhigaalka

48 sargaal oo kamid ah Ciidanka XDS oo tababar loogu soo xiray dalka Uganda

dalka Uganda waxaa lagu gebagebeeyay tababar ciidan oo ay ka qeyb-galeen 498 sarkaal, kuwaas oo ay 48 ka mid ah yihiin saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo si heer sare ah loo agaasimay, ayaa ka qeyb-galay Madaxweynaha dalka Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni, Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Uganda ee (UPDF).

Saraakiishan Soomaaliyeed ayaa muddada hal sano ee tababarka ku qaadanayay gudaha Uganda, halkaas oo ay ku barteen xirfado kala duwan oo la xiriira hoggaaminta, qorsheynta dagaalka, amniga gudaha, iyo difaaca qaranka.

Tababarkan ayaa qayb ka ah iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada Soomaaliyeed ee ku howlan la dagaalanka argagixisada iyo sugidda xasilloonida gudaha dalka ku howlan.