Dowlad goboleedka KGS oo war ka soo saartay ninkii lagu gubey wanlweyn
Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay deegaanka Dadumaay, oo ku yaalla duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu yahay fal fool xun oo lid ku ah qiimaha bani’aadantinimo, nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada.
Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddeysay in aysan marnaba aqbali doonin falal noocan oo kale ah oo amniga iyo xasilloonida bulshada wax u dhima, iyadoo sheegtay in kooxaha ka dambeeya ay yihiin cadowga nabadda iyo horumarka bulshada.
Sidoo kale, Koonfur Galbeed ayaa ballan qaaday in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono dhacdadaas, si cadaaladda loo horkeeno cid kasta oo ku lug yeelata, ayadoo KGS ay adkaysatay in aysan jirin cid dembi gashay oo ka baxsan doonta sharciga.
Intaa waxaa dheer, Dowladda Koonfur Galbeed waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada iyo qoysaska dadkii ku geeriyooday weerarka, iyadoo Alle uga baryey naxariis janno iyo samir ehelada.
Ugu dambeyn, dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku baaqday in shacabka Koonfur Galbeed ay feejignaadaan, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago kooxaha doonaya in ay dhibaato iyo cabsi gelin ku fidiyaan bulshada dhexdeeda.