Puntland oo ku dhawaaqday abaar ba’an ay saamaysay in ka badan hal milyan oo qof oo deegaanadeeda ku nool
Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in deegaanadeeda ay ka jirto abaar daran oo si weyn u saamaysay nolosha bulshada, xoolaha iyo deegaanka guud ahaan gobollada Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cabdi Lugatoor (Lugatoor), ayaa sheegay in abaaraha ay si gaar ah u saameeyeen gobollada Sool, Cayn, Sanaag, Haylaan, Bari, Raas Caseyr, Karkaar, Nugaal iyo Mudug, halkaas oo in ka badan hal milyan oo qof ay hadda la daalaa-dhacayaan cunto yari, biyo la’aan iyo xaalado caafimaad oo liita, ayadoo ay xusid mudantahay in deegaanadaas qaarkood ay ka tirsanyihiin dowlad goboleedka waqooyi bari.
Madaxweyne ku-xigeenka oo ka hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in xaaladda abaartu tahay mid aad u adag, isagoo ku baaqay in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo dadka iyo xoolaha abaartu saameysay.
Wuxuu si gaar ah ugu yeeray hay’adaha maamulka iyo kuwa samafalka,iyo beesha caalamka inay shir degdeg ah oo ka dhacaya magaalada Garoowe isugu yimaadaan.
Warbixinta ka soo baxday xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in abaartu ay sababtay hoos u dhac ballaaran oo ku yimid wax soo saarka xoolaha iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga, taas oo si toos ah u saameysay dhaqaalaha dadka reer guuraaga ah ee ku tiirsan daaqa iyo biyaha roobka.